Magaalada kartuum wax ka baro




Magaalada kartuum wax ka baro


Khartoum, waa Magaaladasadex xagalka ah, ee kulmisa labada qayd ee wabiga nail. Waa niilka loo yaqaano blue nail iyo white nailka e. Ahamiyadaa juquraafi ee ay leedahay intaa ka sokow, waa caasimada dalka soodaan ee dhaca woqooyi Bari qaarada afrika. Halkan waxaan manta ku qaadaa dhigayna haddii rabbi xukmo , qodobo dhowr ah oo taabnaya dhinacyo kala duwan oo gaar u ah maggaaladan wayn. Sida: Taariikhada la dhisay magaalada khartuum. Astaamaha taariikhiga ah ee khartuum. Cimilada magaalada khartuum. Goobaha dalxiiska ee khartuum

Halka ay dhacdo magaalada khartuum

Waxay dhacdaa magaaladu bartamaha dalka soodaan. 1352 ayay kasaraysaa jooga badda. Waa bar kulanka labada wabi ee nailka halkaas oo ay iska raacaan ilaa dalka masar.

Baaxada dhuleed iyo dadka ku nool



Waxaa la sheega magaalada kartuum inay tahay ta ugu wayn masaaxa ahaan guud ahaan dalka soodaan, waxaana lagu qiyaasa dhulka ay ku fadhido ilaa 22142 km oo laba jabaaran. Dhanka tirakoobka dadweynaha ku dhaqan, sida ay warbixinadii ugu danbeeyay ee kasoo baxa dhanka sudan  ay tibaaxeen, waxaa lagu qiyaasaa ilaa 5 shan milyan .


Cimilada magaalada khartuum


Dhanka cimilada, magaalada khartuum sida caadiga ah waa dhexdhedaa. Lakin fasalka xagaaga inta u dhaxaysa (March - June) waa kulayl , waxaanuu gaadhaa heerka kulayluhu  ilaa 38 degree. Kadib waxaa bilowda xiliga dayrta oo ku beegan bartamaha bisha July,  xiligaas oo ey bilaabmaan roobabku. Wxayna u badashaa jawiga maagalada mid aad u qurxoon oo dagan.  Marka lasoo gadho bisha October,  waa xiliga ugu macaan cimilo ahaan waana xiliga ugu haboon eed booqan karto, waxyna ku siinaysaa hawo caafimaad qabta.


Goobaha dalxiiska ee khartuum


Waxay ku Caan tahay magaalada khartuum goobo badan oo daxiisa yaasha soo jiidata,  sida goobo taariikhi ah, muuqaalo dabiiciya, xirfado maxali ah, matxafyo , fanka, iyo dhaqamo hodan ah. Hadaan Hal iyo laba ka taabano astaamaha dalxiiska ku wacan eee magaalada, waxaa soo qaadan karnaa kuwan soo socda:
Barkulanka labada niil: waa muuqaal soo jiidasho leh oo dabiici ah oo alle ku galaday magaaladnlan. Goobtan waxaa sanad walba usoo xadhka xisha kumanaan dalxiise oo isoo hayaama inay kusoo qaatan wakhti raaxa leh.
Xirfadaha gacanta: wxaa lagu soo bandhigaa suuqa umdurman kumanaan nooc oo kala duwan oo xirafada gacanta ee maxaliga ah oo ku raaxaysan karto hadiyad ahaan ugu keeni karto ehelkaaga iyo asxaabta.
Madaxafyada: waxay magaaladu leedahay madaaxif hodan ku ah Agabka dhaxlgalka ah ee taariikhiga ah. Iyo xasuuso Hore oo laga reebay umado tagay. Sida xayawaano dabar goay,  maydad la qalajiyay fariimo taariikhi ah iwm.