Cidii naas nuujisay suubanaha NNKH, geeridii Hooyadii iyo cidii kafaala qaaday


Cidii naas nuujisay suubanaha NNKH, geeridii Hooyadii iyo cidii kafaala qaaday


Markuu dhashay Nabiga صل الله عليه وسلم 

Waxaa Naaska udhigtay oo nuujisay Hooyadii aamina.

Kadibana waxaa Nuujisay Gabadh la oran Jiray suwaybiyah Gabadhaas waxay kale oo  uniijisay Xamsa iyo Saxaabigii la oran jiray Abuu salama.


Intaas kadib Nabiga (صل الله عليه وسلم)  sidii dhaqanka carabayd uu ahaa waxaa looqaday Badiyaha oo waxaa lawareegtay oo nuujin jirtay Gabdhii loran jiray xaliima sacadiyah waa gabar Reer sacad ah oo Reer Bakar ah  ninkeeda waxaa la oran jiray xaaris Binu cabadul cusaa.

Badiyah wuxuu joogay Afar sano 

Kadib waxaa loo sooceliyay Hooyadii aamina asagoo afarsano jirah.

Labo Sano markuu la joogay Hoyadii waxy siyaaro ugubaxday qabariga abihii cabdulaahi oo ku aasnaa magalada madina .

Waxaa lasocday Wiilkeeda Muxamed( صل الله (عليه وسلم Iyo awoowgii cabdi mudhalib iyo umu Ayman  gabdhii la oran jiray

Waxay madina joogeen Mudo bil ah 

Markay soo laabteena waxaa Geeriyootay Hooyadii aamina oo lagu aasay meesha looyaqaano abwa oo udhaxaysa maka iyo madina .

Nabiga (صل الله عليه وسلم) 

Oo lix sano jira ah ayey dhimatay hooyadii wuxuuna saa ku noqday Rajay iyo agoon.


Kafaala qaadkii awoowgii kadib geerida hooyadiis NNKH 


Waxaa la wareegay awoowgii cabdi madhalib wuxuuna kula dhaqamay sida ugwanaagsan wuuna jeclaa markuu labasano lajoogayna waxaa geeriyooday awoogii cabdi mudhalib Nabigana (صل الله عليه وسلم) sideed sano jir ayuu ahaa markaas.


Kusaliya Nabiga صل الله عليه وسلم