Casharkii 7 ee Siirada | bilowgii dacwada
Nabiga صل الله عليه وسلم
Wuxuu Bilaabay in uu dadaka Diinta ugu yeero wuxuuna kabilaabay xafadiisa iyo saaxibadiisi ugu dhawaa. Waxaa ugu Hor Rumeeyay Xaskiisa Khadiija Bintu khuwaylid waxa ku xigay seed Binu xarisa oo katirsanaa xafada. Waxaa ku xigay cali Binu abii dhalib oo ilmo yar ahaa kuna noolaa xafada Nabiga صل الله عليه وسلم waxaa ku xigay Saxiibkii abuu bakar.
Dadkaas aan soo sheeganay waa kuwii igu Horeeyay ee islaamaka qaatay maalmihii ugu Horaysay.
Kadib Abuu bakar ayaa bilaabay Saxiibadiis in uu ugu yeero diinta abuu bakar wuxuu ahaa Nin Reer maka ay jecelyihin oo Dabeecad Macaan Ganacsadana ah sidaa Daraadeed wuxuu lahaa asxaab badan oo Kuxiran Dadkii uudiinta ubandhigay oo uu sabab ugu noqaday in ay soo galaan islaamka wxaa kamid ahaa.
Cusmaan Binu cafaan
Subayr bu cawaam
Cabdiraxaman binu coof
Sacad binu waqaas
Dhalaxa binu cubayd
Waxaa kamid ahaa Dadkii ugu Horeeyay ee qatay diinta.
Bilaal binu Rrabaax
Abuu cubaydah Binu caamir
Abuusalamah binu cabadi asad
Arqam binu abi arqam
Cusmaan Binu madhacuum
Qudaamah
Cabdulaahi oo walaalo lahaa cusmaankan
Tiro ahaan waxay shegan culumada siirada Dadkii ugu Horeeyay in ay Gaarayeen 40 qof
Dakan waaxaa lagu gaarsiiyay Diinta si qarsoodi ah oo aad loo taxadarayo Cabsi laga qabo Qurash daraadeed
Sadex sano ayuu Nabiga صل الله عليه وسلم Dacawada Hoos uwaday
Waxaana Diinta soo Galay dad faro badan
Waxaana Dadkan wax lagu bari jiray si qarsoodi ah
Nabiga waxaa la amaray in uutukado labo Rakacadood Arootii iyo galbkii asaga iyo asxaabta waxay aadi jireena Baanaka halaaks bayna si qarsoon oogu tukan jireen wuxuna usoo Gudbin jiray quraanka lagu soo Dajiyay
Quraysha way ogaatay Arinta uu wado Nabiga صل الله عليه وسلم Hakaas waaxa kabilaamay Halagan dhibaato Faro badan oo ay lakulmayn Nabiga صل الله عليه وسلم iyo asxaabtiisa
KUSALIYA NABIGA - صل الله عليه وسلم
By Sh.deeq cabdi xuseen