Geedka Maygaaga

 Geedka Maygaaga


Kani waa mid kamid ah dhirta aadka oga baxda gayiga soomaaliyeed, si wayna looga yaqaano, waa Geed abaareed. Geed lab ah

Waa geed madow, adkaysi dheeraada u leh cimiliyoonka lama degaan u ekaha hanfiga iyo abaaraha miidhan ah.

 

Isticmaalkiisa

Geedka maygaaga wuxuu leeyahay faaidooyin badan oo bulshadeenu waxay u isticmaalaan qaabab kala duwan. Ujeeddooyinka loo adeegsado waxaa ka mid ah, cugayga, ama culay midkaad u taqaanaanba, oo ah nidaam weelka caanaha lagu maalo lagu nadiifiyo, sida diilka, qadaadaha, gaawaha, dhakalka, iyo wixii lamida. Qiiqa xaabada maygaaga ayaa lagu qiijiyaa, si uu weelku u noqdo mid udgoon oo nadiif ah, caanahana siiya caraf wanaagsan.


Sidoo kale maygaagu waa geed hadh macaan oo hoosjiisa lagu nagaan karo, waana mid caleentiisu gu iyo jiilaaba cagaarantahay. Wuxuuna ahaa mid ay ku shiraan hooskiisa guurtida, mirtiduna ku nasato, xoolahana maqshooda loo waabo guntiisa.


Astaamaha maygaaga


Caleentiisa,laamihiisa,jirridiisa iyo midhihiisuba waa isku midab waxay huwan yihiin midabka dameeraha (grey),

Waxaana uu u muuqda mid adkaysi dheeraada u leh abaaraha iyo dufaannada dabaylaha wata aad buuna dhulka uugu adag yahay.


Waxaa la sheegay illaa afar mitir inuu gaadhi karo dhererkiisu meelaha qaarkood.

Qaab wareega ah ayuu u baxaa inta badan Wuxuu leeyahay dul siman oo beryihii hore reer miyigu kolka ay geeddi dheer gelayaan alaabooyinka dheeraadka ah ayay dushiisa saaran jireen  oo ku daboolan jireen si ay xilli kale ugu soo laabtaan isla markaana ay uga badbaadiyaan aboorka iyo wixii dhulmar ahba 


Waxaa uu caan ku yahay  inloo adeegsado culayga gaawaha iyo dhiilaha oo ah hab lagu nadiifiyo intaan caanaha lagu shubin isla markaasina dhadhan iyo ur wanaagsan u yeela caanaha. 


Maygaaga iyo xoolaha 

Ubax iyo midho ayuu bixiyaa xooluhu caleentiisa iyo midhihiisaba way cunaan, geelu gaar ahaan waxaa uu tiigsadaa hadafta ka baxda kolkii roobabku si wacan u da'aan

waxaa uu ka baxaa bariga afrika sida Somalia kenya iyo Soomaali galbeed oo isla dhulka soomaaliyeed ee inaga maqan ah.


Saddexda bilood ee gu'ga hadh wuu leeyahay, saddexda jiilaalkana male


Waxa uu ka yidhi saynisku


Markii ugu horeysay waxaa xarumaha cilmiga ee Europe (Yurub) geeyey talyaaniga, safar cilmiyeedkii ay hoggaamineyeen PUCCIONI iyo STEFANINI sannadkii 1929kii.

farqi yar ayaa muuqaal ahaan u dhexeeya noocyada ka baxa gobolada dalka koonfurta fog iyo dhanka woqooyi iyo dhanka bari


Ciyaalkaa fuula jirridiisa si ay adhiga uga ilaalilaan dawacada iwm 


Qofka midab ahaan madow ayay soomaalidu u bixin jirtay maygaag.