Mataqaanaa 10kii asxaabi ee janada loogu bishaareeyay iyagoo nool


magacyada 10kii saxaabi ee jannada loogu bishaareeyay iyagoo nool


Dhaman sxaabada suubanuhu waa wada mudanyihiin oo alle wuxuu ku maamuusay inay la rafiiqaan ifka kii ugu khayr badnaa (sala laahu calayhi wasalam). Iyadoo sidaas ah hadana waxay lahaayeen astaamo kala duwan, darajooyin kala sareeya oo sida dabiiciga ahba aadanuhu ku kala gadisanyahay xilli walba uu joogo iyo marxalad walba oo uu ku noolyahay. Sidaa darteed maanta waxaan qormadan ku xusaynaa, magacyada saxaabada jannada loogu bishaareeyay iyagoo aduunka ku noool.


Allaha ka raali noqdee waxaa jira asxaab badan oo janada loogu bishaareeyay, haba loo  tilmaamo qaarkood si dadbane. Tusaale ahaan: sayidkeenna bilaal oo kale alle haka raali noqdee waxaa la wariyaa inuu rasuulku ku tidhi bilaal jaanqaadkiisa ayaan ka maqlaa jannada dhaxdeeda. Sidoo kale xasan iyo xuseen oo lagu tilmaamay inay yihiin siyadada ahlu janaha iyaga oo nool. Qaar kale waxaa lagu tilmaamay inay jannadu u xiistay. Qoyskii saxaabigii camaar vinu yaasir ayaa ka mid ah markii la layn rabay oo lagu lahaa hadal macnihiisu ahaa "sabra balanteenu waa janadew". 


Laakiin waxa uu daaranyahay mawduuceenu waa toban saxaabi oo ka mid ah saxaabadii rasuulka sala laahu calayhi wasalam oo loo yaqaano "casharatul mubashariin bil jana" oo macnaheedu yahay tobankii jannada loogu bishaareeyay iyagoo nool. Tobankan saxaabi ayaan rabaan inaan kula wadaago magacyadooda ee ka faaidaysi wacan.



1. Sayid abuu bakar 

2. Sayid Cumar binul khadaab 

3. Sayid cusmaan binu cafaan

4. Sayid cali binu abii daalib

5. Sayid sacad binu abii waqaas

6. Saydnaa saciid binu sayd

7. Sayidna dalxa ibnu cubaydilaah

8. Subayr binul cawaam

9. Abuu cabaydata ibnul jarraax

10. Cabdiraxmaan binu cawf