xikmadaha caaqilka laga rabo
Xikmadu waa mid hilaahay bixiyo, waana sahay qaali ah.
Xikmada waxaa lagu tilmaamaa:" waa iyadoo la qaado talaabada haboon, waqtiga haboon, sida u haboon, qiyaasta haboon, cida haboon, goobta haboon"
Markaan taa ka duulo way yartahay cid ku sifaysan tilmaamahaas, maadaama ay tahay sifo alla waafajin mooyee, aan dadaal lagu gaari karin.
Way adagtahay in qofku jaanis walba uu uga faaidaysto, sida ku haboon islamarkaana uu qaado talaabada la da'da ah jaaniskaas horyaala.
Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa:
"talo waa mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydo".
Hawraartaas xikmadaysan waxay tilmaamaysaa, in ay awooda, iyo fursaduhu qof walba soo maaraan laakiin garashadeedu u baahantahay xikmada dheeraad ah. Tu kale ayaa iyana ahay:
"talo isuma kaa sheegto"
oo looga jeedo in ay taladu iyadoo hortaada taagan aad dhaafi karto, adoo waliba u baahan.
Erayga xikmad laftiisa ayaa xikmadaysan oo ujeedo aad u xeel dheer ku fadhiya. Quraanka akariimka ah ayaa sheegaya in qofka alle xikmada siiyo, in khayr aad u badan lasiiya.
"ومن يأتى الحكمة فقد اوتي خيرا كثيرا"
Waxaanan arag rabbi swt isagoo soo qaadanayaa erayadii iyo waanadii xikmadaha badnayd ee ay ku hadleen adoomadii xikmada gaadhay, sida luqmaan al xakiim oo suurad dhan loogu magacdaray oo lagu sjarfay.
Waxaan maalin walba dhagteenu maqashaa hawraaro aad u da'a wayn oo facba fac kasoo gaaray inkasta oon qaar kamida la aqoon cidii tidhi hadana anay ilaa maaanta bulshadu ilaawin oo ay cel celiso. Soo celcelinta hal ku dhagyada, maahmaahaha, iyo murtida ayaan marnaba wax noog lahayn oo mar walba oo lasoo celiyo waxay la kulmaysaa xaalad qusaysa waxay yelanaysaa dhadhan cusub.
Xikmadu waa mid taabanaysa, dhinac walba oo kamida nolosha aadanaha. Haday tahay hogaaminta, iyo hadalka, iyo mawqif walba oo laqaadanayo, si loo hubiyo inuu yimid xiligii uu ku haboonaa, meeshii ku haboonayd, cidii ku haboonayd, silooga gaadho natiijadii ku haboonayd.
Marka aad ayay muhiim u tahay in uu ku sifaysnaado hoogaanka omadeed maadaama lagu haleeyay masiir umad dhan, hal is dabamarna uu sababi karo, dhaawac soo gaadha umad dhan. Taasna waxaa fura u ah in uu latashado mar walba, dadka indheer garadka ah ee caqliga lagu tuhmaayo.