qaababka ugu macaan ee galmada loo sameeyo ragga iyo dumarkaba

 


qaababka ugu macaan ee galmada loo sameeyo



Gogol-dhig


Raaxada lamaanaha farsamooyin labajabaar ka dhigaya ayaan halkan maanta kaga hadlayna. 


Ciyaarta xiisaha leh ee lamaanaha ku dhax maraysa gagida qaaska ah ee ay ka balansantahay dheeshu, waa mid u bahaan xirfad dheeraad ah, taas oo looga baahanyahay labada dhinacba inkastoo aanay lahayn jamaahiir kala taageerta laba ciyaaryahan oo daawanaysa. lagdanka ciyaarta ayaa labada dhinac ee lamaanuhu ka koobanyihiin noqonayaan cida qiimaynaysa natiijada. Marka lasoo gaaro saacadihii la xaroonayay, laylkuna daaha soo rogo, xaafad walbana ay soo ceshato alabaabka, nalalkana la dansado, ayay nalka raaxada daartaan, waana xiliga ay laacdamayaan, si ay u gurtaan midhaha gacaltooyo ee ka lalmada laamaha ay ishu halacsanaysee ka baxay  geeda gacalo, kashuna junguraynayso, hamiguna wuxuu u baaqaa in haraadkii lagabaxay, markaasay hareeraha ka hoortaa daruur caafimaad, taaso hordhac u ah ducadii ahayd wiil iyo cano . 


Waxaa aan rabaa inaan ka hadlo dhawr arimood oo lagama maarmaan ah, islamarkaana ka dhigaysa xidhiidhka lamaanaha mid waara, islamarkaana xiisa galiya labada qofood ba. Waxaa biya kama dhibcaan ah in ay labada jinsi ee uu ka guntamo qoysku mid waliba leeyahay hanaan gaar ah oo loo maro soo jiidashada iyo kicinta dareenkiisa. Ninka dareenkiisa ku aadan  xidhiidhka galmada waxaa loo kiciyaa habab kala duwan oo ay suubiso marwadiisu si ay u kiciso dareenkiisu. Waxaa jira sidoo kale qaabab loola dhaqmo dareenka xaaska inta aan la gaarin is buurashada, si ay ugu diyaar noqoto galmada. Waana lagama maarmaan si ay marwadu u hesho raaxo dhamays tiran.

 


Qaababka raggu ka helaan

 

Inkastoo dareenka galmo, ama hawada guur ay tahay mid ku beeraan labada noocba; haday tahay ragg iyo haday tahay dumar, islamarkaana qaangaadh walba uu dareemi karo, ayaa waxaa alle u jideeyay nidaamka guurka ah ee lagu maaraynayo dareenkaas dabiiciga ah, kaas oo taranka aadanuhu ku xidhanyahay. Sidaa darteed waxaan maqaalkan ku iftiimin doonaa, dhawr qodob oo aan is leeyahay waxay wax katari doonaan sidii loo dhisi lahaa xidhiidh wanaagsan iyo isfahanka lamaanaha, marka ay timaado xidhiidh sariirta.

Madaama ay lagama maarmaan tahay in labada qof uu mid waliba qayb ka qaato qancinta kan kale. Waxaa loo baahanyahay inay xaasku fahanto ninkeeda waxyaabaha uu jecelyahay islamarkaana ay kusoo jiidan karto si ay u sii joogtayso xiisaha iyo jacaylka uu u qabo xaajigeedu. 


Waxaan halkan ku xusaynaa dhawr qaab oo raggu ay aad ugu riyaaqaan islamarkaana ay ku dulmeeraan gabadhii ay ka helaan ee ku maamuusta, waana hab maskaxda ninka kaga taga xasuus waarta oo aan maskaxdiisa ka bixin.


Qaabakan ay gabadha dhabeesha ah ku hanan karto dareenka ninkeeda ayaa loo aqoonsanyahay shabaga ugu adag ee aanu kabixi karin raggu. Waxaan halkan kusheegaynaa dhaqamada, iyo qaababka ay haweenaydu ku hantiyi karto qalbiga ninka, waana qodobadan soo socda:


Raggu waxa ay jecelyihiin gabadha gaarida ah ee mar walba ku dadaasha nadaafada nafteeda gurigeeda iyo awlaadeeda.


Dhaqaalaha naftiisa hadii ay ku fiicantahay xaasku waa hubaal in ay raad lama ilaawaan ah kaga tagi doonto qalbigiida, soomaaliduna waxay tidhaa"nafi nin uroon raacday". Sidoo kale waxaa jirta maahmaah carbeed oo tidhaa"أقرب طريق الى قلب الرجل معدته" oo macneheedu yahay "wadada ugu dhaw ee loo maro qalbiga ninka waa calooshiisa".


Dareenka ninka ee kiciya shawdiisa waxaa kamida waxyaabaha ku beera: inay haweenaydu isu qurxiso islamarkaana ay ka ag dhawaato meelaha uu ka arki karo taasoo taabanaysa, dareenkiisa.

Cadarrada iyo uunsiga ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu soo jiidashada badan ee dareenka ragga lagu maago, maxaa yeelay, udugu wuxuu farxad iyo firfircooni galiyaa maskaxda aadanaha.


Qaababka loogu raaxeeyo dumarka

 

Dumarku way ka duwan yihiin dareen ahaan raga, waana ka gadisantahay baahidoodu, ta ragga haday tahay mudada uu qaadan inuu taabto dareenka u ugu baaqaya inay galma dalbato. Waxaa jira qaabab gaara oo ay jecelyihiin dumarku islamarkaana dareenkooda soo saara. Qaababkan ayaa ragga khibrada u leh ku sheegaan inay dumarku u nugulyihiin oo ay jecelyihiin ragga isticmaala, maxaa yeelay waxay si buuxda u siinaysaa dareen badan, taasina waxay ufudaydinaysaa inay helaan raaxada ay u baahanyihiin. Hadaba qaababkan ayaa looga baahanyahay inuu ninku u sameeyo xaaskiisa ka hor inta aanu canbarka geedka la abbarin. Waxay khubarada ka warqaba hawlahan sheegaan in dumarku ay ka raaxaystaan meelo badan oo kala duwan, islamarkaana ay dareenka ka qaataan xubno kala duwan oon ahayn canbarka.


Waxaa loo yaqaanaa:

1.u raaxaynta jidhka kore

 2. Uraaxaynta gudaha

 

Uraaxaynta dusha sare waa salaaxa iyo baashaynta xubnaha kala duwan ee jidhkeeda, sida naasaha, qoorta, badhyaha, calaacalaha, bawdyaha, dhuuqista afka, salaaxa kintirka, shuminta iyo wixii lamida.


Uraaxaynta gudahana waxaa loo yaqaanaa:

Markaa hawshaas oo dhan laga yimaado ee uu canbarku qoyokadib, galinta xubinta taranka ee ninka gudaha canbarka. Tani waa marxalada ugu muhiimsan, iyadoo loo sameeyo qaabab kala duwan, hadba sidii la jecelyahay laisula qalaama roganayo. Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in uu isku dayo ninku mar walba in uu dheereeyo mudada ay soconayso galmadu, maxaa yeelay waxaa la ogyahay in ay dumarku ka biya bax danbeeyaan ragga. 


Waxaa jira rag badan oo ka cabanaya biya bax dag daga, ragaas waxaa lagula talinayaa inay ku dadaalaan fara kaciyaarka, sabatoo ah waxa dareenka dumarku u badanyahay islamarkaana kiciyaa waa faraciyaarka, iyo baashaynta. Isku day inaad muddo 30 daqiiqo ilaa 1:00 saac aad salaaxaa iyo dhunkashada ugu dadaashid. Xubnaha aad ka weerarayso si aad u gaadhsiiso riddada ugu danbaysa ee gariirka waxaa ugu muhiimsan; salaaxa naasha adoon ibta naaska marka hore gaadhayn. Muddo ayaad duugaysaa hareeraha candhada. Kadibna waxaad faraha caaradooda ku salaaxaysa waliba si wareeg ah caarada hore ee ibta naasaha. Waxaad si gurguurasho ah ugu siqsiinaysaa gacanta dhankaas iyo luqunta. Waxaad dhunkasho ku boobaysaa faruuryaha, adoo dhuuqaya. Waxaa lasheegaa in ay is dhaxgalka faruuryaha lamaanuhu xidhiidhiyaan dareenka labada dhinac, si ay ugu gudbiyaan dareenka kacsan midiba midka kale.


Dumarku waxa ay ka raaxaystaa 70% xubnaha jidhka kore, iyagoo ku qaata farafaraynta iyo salaaxa tuutuujinta, dhuuqista bushimaha, salaaxida kintirka, iyo labada bishimood ee canbarka, meelahaan xasaasiga ah ayaa u badan dareenka kacsi ee dumarka.

Hadalka macaan ee aan gabashada iyo kayr-kayrka lahayn ee ku saabsan galmada ayaa aad u kiciya dareenkooda, waayo waxaa laga baabi'inayaa dareenka qajilaada ee dumarnimadu keenatay, in si caadi ah looga sheekeeyaana waxay kasaaraysaa, il nugaylkii waxayna ku dhiiranaysaa inay sheegto baahideeda iyadoon baqayn. Ninka waxaa looga baahan yahay inuu xaaskiisa kala sheekaysto arimaha galmada, waana inuu waydiiyaa habka ay jeceshahay, si dhab ahna u dareensiiyaa inay qayb ka tahay hawsha, oo ay sheegta hadba dareenkeeda lana wadaagto saygeeda.



Marka lasoo gaaro xiliga ay soo gabagaboobayso ciyaartu, waxaa muhiim ah in lagu dadaalo in la isku beego, biya baxa ninka iyo ka gabadha. Si taa ninku u la socdo waa inuu lawadaagaa xaaskiisa. Laakiin hadii ay timaado in uu ninku biyo baxo iyadoon gabadhu ka bogan, taasi waxay ku keenaysaa gabadha xaalad nafsi ah,  iyo murug.

Marka ay kala dhamaadaan labadoodubana ay biya baxaan, waa in aanu ninku dhankaas intuu isaga dhaco aanu iska seexa kaligii, sababtoo ah gabadhu sida caadiga ah waxay dareentaa qajil, inuu ninku kasii jeestaana waxay dareen siinaysaa in laga danaystay oo laga fulay besaata. 



Waxaana loo baahan yahay in uu ninku kali talisnimadaas joojiyo, oo uu xoogaa boga galiyo, habsiiyo , dhunkado, hadala macaan dhagta ugu rido. 

Haween badan ayaa biya baxa galmada kabacdi hadii ay ka helaan saygooda inuu hab siiyo. 


In badan ka mid ah khilaafaadka kadhax dhaca qoysaska qaar, ee aan loo helin xal kama danbays ah, isla markaana joogta noqda oo markaad saa usii eegto, aad arkayso anaanay ku fadhiyin micne saas usii buura, waxaa la aaminsanyahay inay ku sal leeyihiin tabashooyin hoose oo la xiriira sariirta. Tabashadaas ayaan intooda badan loo helin xal waara, maadaama ay la xidhiidho isfahanlaaanta sariirta, xalkeeduna waa in wax laga badalo hab dhaqanka laxidhiidha gogosha.


Dumarku inta badan way ka xishoodaan in ay afka ku balaadhiyaan arimahan oo kale, sababo farabadan oo kal du wan awgood. Waxaa inta badan bulshadeena ceeb ka ah dhaxdeeda, dhaqan ahaana u tixgalinaa, in dumarku aanay ka hadli karin arimahan , inagoo fikrad qaldan ka haysana, dumarka ka hadla galmada. Bulsha ahaana waxaan ka muujinaa shaki badan dhawrsanaanteeda iyo sharafteeda. Sidaa darteed waa inuu ogaada ninka soomaaliyeed inuu su'aalo badan oo afka aan lasoo marin laga rabo inuu ka jawaabo, kagana jawaabo ficil ahaan. Waad is fahmi kartaan ooridaada, waad ka qancin kartaa cabasha walba oo ku saabsan xiriirka qoysnimo, hadaad katanaasusho kali talisnimada, oo aad fursad siiso xaaska ay dareenkeeda ku cabirto. Inaad saa yeeshaana waa mid aad khibrad wayn ka faaidi doonto, islamarkaana aad ka nasan doonto mashaakil badan oo wajiyo kale lagu matalayo, dhab ahaanse salka ku hayaa arimahan.