''Ishaan la'ahay eed igu caayaysaa waa isha adi kugu korta'' qiso naxdin leh
Waa hooyo dhashay wiil, aad ayay u jeclayd , wax awlaadana kaligii ayay kanaxaysay .
Weelkan ayaa isaga oo cunug yar ah ayuu nasiib darro la kulmay shil gaadhi, shilkaasna waxa uu ku waayay mid ka mid ah labadiisa indhood, cusbitaalka markii lageeyay ee la xaqiijiyay inuu il beelay , hooyadiis ayaa tidhi anigaa wiil kayga u saaraya il si aanay quruxdiisu ukala dhantaalmin, islamarkaan caruurta faciisa ahi ugu caayin, naafada, uguna yeedhin "illoow", hooyadiis way kadhanaysay go'aankaas, wayna usa aarbay isheedii, waxaa loo galiyay cunugii ishii hooyadiis.
Marwalba markii uu aadayo iskuulka way sii qaadi jirtay, marka uusoo rawaxayana way ka hortagi jirtay iyada oo u baqaysa inay dhibaato soo gaadho. Wiilkii wuxuu ahaa mid si wanaagsan u koraya , waxaa malin walba uu ka helayay hooyadiis wax walba oo u baahdo. Wiilkii wuxuu sidaa ku jiraba mudo kabacdi markii uu xoogaa koray wuxuu bilaabay inuu hooyadiis , kafaano maxaayeelay waxaa u isha ay la'adahay. Wuxuu ahaa mid karaahaysta marka ay iskuulka ugu timaado isaga oo ka baqaya inay ardadu ku caydo isha hooyadiis la'adahay.
Wuxuu bilaabay inuu hooyadiis kanaxo markuu ku arko banaanka dugsiga. Wuxuu gaaray heer uu u arko inay tahay astaan fool xun oo nolashiisa ku jirta. Wuxuu ka xanaaqi jiray sheekadeeda, wuxuu ka Zaragoza jiray lasocodkeeda, sababtoo ah way ill l'adahay!.
Waxa uu xaalku saa ahaadaba waxuu dhamaystay dugsi sare, isaga ka noogay bildhaanta hablarÃan isha la'a waa siday isaga ugu muuqatay e. Markuu kabaxay dugsi sare waxa uu ka helay deeq wax barasho dalka Singapur, wuxuu u alba baxay waxbarashadaas jaamacadeed isaga oo ka libdhi doona indhaha hooyadiis. Safarkaas uu ku aadayo dibada wuxuu ahaa mid aan u roonayn hooyadiis oo usados u ahaa, dhankiisa se wuxuu qabay dareen kaa kaduwan.
Sidii ayuu ku aaday wadankii uu ka helay deeqdaas, dibdanbana uma soo jaleecin hooyadii uu kaligeed kaga yimid magaaladii u kunoolaa, midii nafteeda uhurtay. Waxay u ahayd hooyadan maalin mugdi ah oo ay sii libdhayay ubixii ku indha kuulan jirtay , waxayna sagootiday iyada oo dareenkeeda ku sasabaysa horumarinta weelkeeda. Run ahaantii waxay ahayd maalin aad u adag.
Laakiin nasiib darro, waxay ahayd maalintaas dhanka wiilka maalin uu ka siibtay xakamihii ku hayay butti aanu jeclayn oo uu ka baxsad ahaa.
Calaa kuli xaal waxba yaanan hadan kugu daalin ee wiil wuxuu ka caga dhigtay dalkii uu kusii jeeday, is xiligiiba wuxu horay kabilaabay waxbarashadiisii, intii uu kuguda jiray waxbarashadiisa jaamacadeed marna muusan dib usoo jaleecin hooyadiis. Dadaal sanado qaatay kadbacdi wuxuu soo afmeeray tacliintisii jaamacadeed, wuuna qalin jabiyay.
Muddo yar kabacdi isla waddankii uu waxbarashada ka helay ayuu kashaqa galay , halkaas wuxuu kasamaystay nolol rasmi ah. Hoyadiis wali way kadhur sugaysaa wiilkii ay ku soo tacabtay, laakiin isagu wadhaaba mahayo. Woxogaa kadibna wuxuu guurasaday lamaane cusub halkaasna uu kula aqal galay, wali wax xiriir ah lama samayn hooyadiis oo xaalkiisa si wayn oga walwalsan, nabad qabkiisana aan Kawakami karin, haba yaraatee wax taleefan ah iyo waraaq toona Oma uusan soo dirin.
Muddo dheer oo ay ka war sugaysay waxba wax shanqadh ah kamay helin wiilkeedii. Ugu danbayna waxay go'aansatay inay cageheeda kaga wardoonto wiilkeedii, waxay boorsda u xidhxdhatay safar, waxayna ka dagtay dalkii uu wiilkeedu u cilmi doontay maalinkii ugu danbaysay. Aad ayay u dayacantahay, oo daranyo badan ayaa ka muuqata guudkeeda, sanada badan oo wiilkeedu kasoo maqnaa waxay la noolayd walwal iyo fikir ayaa badalay dhogorteedii, dheeehi uu kaga soo tagay wuu baaba'ay. Markay magaaladii uu daganaa timid ayaa loo sheegay wiilkeedii inuu nabad qabo nolol fiicanna ku noolyahay, waxaa kaloo loogu bishaareeyay inuu shaqo iyo reerba kasameeyay halkan. Hooyo aad ayay u faraxday wajigeediina u iftiimay markay maqashay warkaas farxadda leh. Waxay si hal haleel ah u abbartay gurigii uu ku noolaa wiilkeedu. Waxay garaacday albaabka iyadoo sugi la'a kulanka wiilkeeda. Waxaa ka furay albaabka caruur yar yar oo ay ayay u tahay, markay saa u arkeen islaan cawlan oo ay diifi ka muuqato islamarkaana il la'a ayay ka yaaceen, iyagoo naxsan ayay abbohood ugaleen. Aabo maxaa dhacay? Waxay yiraahdeen islaan cabsicabsi ah ayaa albaabka taagan. Dagdag ayuu usoo kacay wuxuuna soo aaaday dhanka albaabka, waaba hooyadiis oo taagan, waxay ku tidhi hooyo xaalddiina kawarrama?
Wuxuu ugu jawaabay: habaryahay isha la mawaxaad u timid inaad caruurtayda ka cabsiisa iiga dhaqaaq labaabka, inatay fiirisay ayay ku tidhi waan ka xumahay inaan caruurta kaa baqdin galiyo wayna isaga dhaqaaqday, isna albaabkii intuu soo xiray ayuu kusoo laabtay caruurtii. Caruurtii ayaa waydiisay, aabe ayay ahayd? Wuxuu ku yidhi: about Habari waalan ayay ahayd.
Hooyadii way iska noqotay oo waxay tagtay magaaladii ay katimid, waxay halkii iskaga noolaato, oo ay cidladii, xanuun iyo waayeelnimaba, ladaalaa dhacdo, ugu danbayn tii alle ayaa ku timid oo way geeriyootay, maydkeediina maalmo kadib ayay jaarku dareemeen, wayna aaseen. Waa danbe ayuu u yimid magaaladii uu kaga tagay hooyadiis hawlo shaqo, isaga oo hawlgalkiisii wata ayuu xasuustay hooyadiis, islamarkiiba wuxuu usoo anbabaxay dhanka hoygii uu ku ogaa waagii uu waxbarashada aaday, wuxuu yimid gurigii oo isku dumay oo one ah. Jaarkii ayuu waraystay waxayna usheegeen ianay hooyadii muddo aan fogayn geeriyootay. Wuxuu gudaha ugalay aqalkii, wuxuu ku arkay warqad taas oo ay qortay hooyadiis waxayna tidhi: hooyo waan kaxumahay inaan caruurtaada ka nixiyo , laakiin ma ogtahay isha aad igu caayayso ee iga maqan inay tahay tan adiga kugu jirta? Hooyo waxaad ogaata in wagaas adoo yar inaad gashay shil islamrkaana aad ku waysay mid kamid ah indhahaaga, dabadeed aan kuu saaray anigu ishayda si ayna ciyaalka facaaga ahi kuugu caayin illow!!!