Uruguay.. xogwaran plus

 Uruguay.. xogwaran plus

Dalka Uruguay xogo iyo macluumaad aad ogaan doonto markii ugu horaysay ayaan kusoo xulay, islamarkaana aan maqaalka kuugusoo koobanay, fafaaidaysi wacan. Dalka Uruguay waa dalka ku horeeya dhanka waxbarista bulshada dawladaha qaarada latiinka oo dhan. Waxay kaalinta 1aad kaga jirtaa tirakoobka qorista iyo aqriska, iyadoo ay gaadheen dadka wax qora ama akhriya ee dalkaasi %96 dadka kunool dalkaas.

Baaxada dhuleed

Baaxada dhuleed dawlada Uruguay ayaa dhan 167,000km oo laba jabaaran, sidaa awgeed waxay noqonaysaa dawlada labaad ee ugu yar qaarada laatiin ameerica marka la yimaado dawlada Surinam .

Tirada dadka kunool Uruguay

Wuxuu gaadhaya dadwaynaha kunool dalka uruguay 5.5milyan oo ruux.

Diinta Uruguay

Diinta koobaad ee dalka Uruguay waxy noqonaysaa diinta masiixiga, waxaana lagu qiyaasayaa dadka aaminsan masiixiyada ee dalkaas inay yihiin %57.  Waxaa xisid mudan inay inta kale aanay lahayn wax diin ah haba yaraatee.

Afkooda hooyo

Laqudooda hooyo ee rasmiga ah ee lagaga hadlo dalkaas waa luuqada isbaanishka.

Madaxwaynaha

Waxaa hada madaxwayne ka ah taariikhda aan maqaalkan qorayno ninka lagu magacaabo laki lebu waana madaxwayne ku yimid doorasho shacab oo ka dhacday dalkaas. Kahor intaanu noqon madax wayne wuxuu kazoo shaqeeyay garsoorka. Waxaase layaab leh inuu aabihii horay u ahaan jiray madaxwaynaha Uruguay.

Juquraafi ahaan

Dawlada Uruguay waxay dhacdaa qaarada laatiin ameerika, waxay xuduud dhulka ah la leedahay baraasiil oo ka xigta dhanka woqooyi. Halka dhanka galbeed ay dhinaca saarto wabiga Uruguay, dhanka barina waxay dhinaca saartaa badwaynta atlantic-da.

Magaala madaxda Uruguay

Magaala madaxda urugwuay waa Montevideo. Tirade dadka ku dhaqan caasimada ayaa lagu qiyaasaa 1.5milyan oo ruux, taasoo ka dhigan sedex meeloodoow meel dhamaan dadka ku nool dalkaas. Montevideo waa magaalo aad u qurxoon, aad u shacab badan , iyada ayayna dagan yihiin dhamaan hayada caalamiga ah, safaarada dawladaha. Wxay leedahay marinada tareenada, garoon diyaradeed, dakad lagu magacaabo dakada Montevideo.

Lacagta urugay

Lacagta laga isticmaalo dalkaas ayaa ah lacagta peso Uruguay .


Dhaqaale ahaan

Iskusoo wada duuboo dalka urugway ayaa ah mid ka mid ah dalalka ugu kobaca roon dhanka horumarka dhaqaalaha, heerka noloshana waxay kaga jirtaa kaalinta 48 caalamka oo dhan. Waxay can ku tahay daryeelka cunooyinka, samaynta qalabka korontada, maadooyinka kiimikada, cabitaanada. Waxay sidoo kale caan ku tahay beeritaan bariiska iyo qamadida iyo galayda, iyo heeda, dhamaantood markay soo goaan waxaa loo dhoofiyaa dibada, maadama shacabka kunool uu tiro yaryahay.waxbarashada ayaa ah bilaash waana qasab.


Holland…Mid kamida wadamada ugu quruxda badan qarada yurub

Koonfur Afrika…..guud mar kooban


Massage Shower…. Duugista maydhiga