Diamond qaabka loo jaro xogwaran plus

 qaabka loo jaro dhemanka

Sidee loo qoraa o looga dhigaa dheemanka qaabka siman? 


Hadaad is waydiinaysay muqaalka dheemanka ee aad sawirada kubaragtay inuu yahay kiisii dabiiciga ahaa, waa gartaa, waxaase ay xaqiiqadu tahay in shagaxa dheemanka ah ama rubu ga ah inay maraan geedi socod la yaab leh oo loo yaqaan qoridda iyo qurxinta  oo sameysa dhammaan farqiga u dhexeeya qiimaha ugu dambeeya ee dhagaxa. Waxaa markii ugu horreysay lagu soo bandhigay Venice horaantii 1300 ’ waxaana lagu arkay Paris iyo Bruges bartamihii 1400. Qoritaanku waa farshaxan sax ah oo  bilic ku dara, oo wuxuu soo saaraa quruxda dhagaxa. Jar-jaritaanka Amaba qoritaanka aan xirfadaysnayn ee liita ayaa baabi'iya inta badan tayada iyo bilicda dhagaxaanta macdanta. 


Inta badan qurxinta waxay u sameeyaan in si dhab ah loogu arko iyada oo la adeegsanayo qalab gaar ah oo leh qaab adag, sida labajibbaarane, wareeg, luul ama marquise. Isla Markaana waa hab leh qurquro si loo sii wanaajiyo qaabka. Jarista qurxintu inatabadan waxay isticmaashaa taxane dheer oo farsamo iyo farashaxan si ay ugu dhawaato qalbiga dadwaynaha jecel quruxda. Dhagaxda Cabochon waxaa laga qurxiyaa dusha sare ee siman, mararka qaar waxaa loo adeegsada hawshan gacanta oo qudha si looga ilaaliyobdhaawac laga yaabo inuu kasoo gaaro aaladaha kale.



Dhagaxyo badan oo la yaqaano waqti xaadirkan oo muhiim ka caalamka macdanta ayaa inta badan wajiga hore ee bandhigyada laga saaraa, waana hanaanka ay u qoreen dabaqadaha iyo qur-qurada dhagaxa si loogu qurxiyo dusha sare dhagaxa qaab sax ah, waana mid sumad leh. Waa muhiim in laga saaro madmadowga dhagaxa si ay bildhaanriisu usoo baxdo una yeesho muuqaal soo jiita indhaha. 



Haddii dhagax la jarin ama aan la nadiifin, dhalaalka iyo quruxdiisa ayaa sidoo kale lumi doonta. Marka dhagax si sax ah loo xabeeyo, waxay siisaa  iftiinka si ay uga baxaan falaaro dhagaxa dhexdiisa, iyada oo la siinayo iftiinka aan jecel nahay taasina waxay gacan ka geysaneysaa go'aaminta qiimaha lagu iibin doonaa. Haddii dhagaxu aad u siman yahay, ama kulmaan, nalku kama soo baxo xaglaha wejiga si ay u yeeshaan saameynta ugu badan ee bildhaanta.