Galmo ayay rabtaa hadaad ku aragto calaamadahan

 

Galmo markay rabto calaamadahanba lagu rabtaa


Galmadu waa unug aas'aasi ah oo ka mid ah xidhiidhka lamaanaha, waana xaalad qaas ah oo ay labada lamaane isku waydaarsadaan dareenkooda jacayl. Sidaa darteed waa muhiim in ay calaaqadani ku dhisnaato isfahan, iyadoo loo marayo hadba qaabkii suura gal ah. Dumarka ayaa inta badan ka xishooda inay soo bandhigaan dareenkooda ku aadan sariirta, iyagoo dareenkooda ku daboola laabtooda, lamaanahooduna laga yaabo inaanu fiiro u lahayn baahideeda. Hadaba waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa dhawr tilmaamood oo aad ku ogaan karto baahida xaaskaaga iyadoon kuusheegin , adoo ka tixraacaya dhaqdhaqaaqeeda, iyo xarakaadka jirkeeda ama luqada jasadka waxa looyaqaano.



Maxay yihiin astaamaha aan ku garan karo inay naagtaydu galmo rabto?


Waxaa jira arimo badan oo ay si ismoogi ah u sameeyaan dumarku xiliga uu dareenkoodu kacsanyahay. Waxaa isbadal laga dareemi karaa dhaqdhaqaaqeeda hab-socodkeeda, indheheeda gaar ahaan markay lamaanaheeda lajoogto, arimahaas ayaa ah baaq , waxayna ka turjumaysaa inay xaaskaagu rabto inaad galmo lasamayso. Hadii ay xaaskaagu tahay mid xishood badan oo aan kuu sheegan karin baahidaan , waxaan ka aqrisan kartaa calaamadahan aan kuu soo wado.


Hadii aad ku aragto dhawrkan calaamadood mid kamid ah , amaba in kabadan waxaad ogaataa inay xaaskaagu rabto galmo dagdaga.



Inay kusoo eegto oyadoo indhahaga iska ilaalinaysa


Hadii ay xaaskaagu si isdaba joog ah kuusoo fiiriso marka aad eegto ay inshihiinu isku dhacaana madaxa foorariso, waxaad ogaataa inay kugu fikirayso, rabtana inaad lasmayso xiriir galmo.  Tani waa calaamad caan ah oo ay leyihiin dumarku marka uu damac soo galo laabtooda, oyagoo ka qawadaya inay carabka ku balaadhiyaan dareenka soo tuuray ayay il-qoodhka ku xadaan wajiga lamaanaha iyagoo iska dhawraya indhihiisa.



Inay isa soo godo (dhabarka godo)


Hadii ay xaasku dhexda soo jabiso , islamarkaaluqunta soo laabto waxaad ogaata inay doonayso inaad ka waramiso, oo aad siiso jawaab naxariis leh sariirtana ugu faahfaahiso.

Calaamadan ayaa khubaradu waxaa ay ku tilmaameen astaan dhamaystiran oo ay bixiyaan dumarku marka ay taabato xumada, dareenku, ee ay saaqdo xaaraarada galmadu.



Is qurxinta iyo marsasha cadarka


Dhalaalka iyo carafta iduga ayaa ah kuwo soo jiita jaleecada indhaha, islmarkaan sanku raacaa urta odoga, oo saameeya dareenka qofka. Qalbiga ayaa jecel ka agdhawaanshaha meesha uu kasoo baxayo udugo, taas oo kor uqaada farxada iyo macnawiyaadka qofka, si daraadeed dumarku waxay aad u isticmaalaan udugyada noocyadooda kala duwan si ay u soo jiitaan dareenka ragga.

Hadii ay haweenaydu dharka soo badalato adoo lajooga islamarkaana isku soo rushto cadar, ama soo shidato uunsi carfoon waxaad ogaata inay diyaar marwadu u tahay ciyaar xiiso leh oo diiran taad oo garoonkeedu yahay sariinta.



Soo qaadashada sheekoyin galmada laxidhiidha



Hadii ay gacalisadaada xalaasha ahi soo carab baabto sheekooyin la xidhiidha galmada, ama laga fahmi karo ,oo laga dhadhamin karo arimo kusaabsan galmada, waxaad ogaataa inay usha agtaada ku dhufanayso, waxaana laagaga baahanyahay inaad garato intaan bogga laguu galinin.


Gabagabo iyo gunaanad


Waxaa laga yaabaa inay jiraan kuwo kale oo aanan halkan ku xusin oo laga dheehan karo baahida ku saabsan xidhiishkan xasaasiga ah, laakiin waxaan kasoo qaatay oo kaliya dhawrkii ugu muhiimsanaa, si aan ugu soo koobo aqristaha sharafta badan, waxaanan filayaa inay kaaga filantahay inta kale maadama ay kasiman yihiin astaamahan aan kor kusoo xusnay dhamaan xaawa-laydu.


     Wabilaahi tawfiiq