Daawo dhaqameed isku dar cajiib ah oo hal saac kaaga saaraya hargabka
Waayadan danbe waxaa soo badanaya noocyo hargab ah op xumad waalan leh , islamarkaana aan loo adkaysan karin.
Hargabka ayaa ah xanuunada soo noqnoqda iyadoo lagayaabo inuu bil gudaheed laba jeer ku dhaco .
Maanta waxaan halka kuugu soo gudbinayaa daawo dhaqameed cajiib ah oo aad 100% kaga taqalusi doonto hargabka si walba uu u xooganyahay , hadaba iga hoo isku darka layaabka leh .
Waxyaalaha ay ka koobantahay daawadan
● 1 qaado sanjabiil ah
● 1 qaado xabaasuud
● jeex toon ah
● 1 qaado shunfax ah
● 3 xabo qaji ah
Inataa aan soo sheegnay ayà ad meel isugu gaynaysaa , kadibna waxaad soo qaadaysaa mooye , kadibna waad isku tumaysaa, markay sifiican isu dhax galaan ayaa waxaad ku xafidaysaa weel dabool leh oo nadiif ah.
Waxaad u isticmaalaysaa qaabkan:
Markaad sidaa aan soo sheegnay u diyaariso waxaad ka qaadanaysaa hal qaado oo aad cunaysaa, kadibna waad u kaadinaysaa ilaa 1 saac . Hal saac kabacdi ayaad malqaacada labaad isticmaali kartaa.
Waa daawo dhaqameed boqolkiiba boqol lahubo natiijadeeda, waxaana loogu talagalay hargabka kiisa xun ee aadka udaran , waxaana lawaayi doonaa xanuunka gabi ahaanba hal maalin gudihiis, insha allah.