Wabiga niil iyo biyo xidheenka abay ee itoobiya samynayso qormo faahfaahsan




Markaan kahadlayno wabiba niil ee mara qaarada afrika wadama badan oo ka mida xoogow way ka duwantahay markaan ka hadlayno biyo mareen kale.
Sababtoo ah wabigan waxaa ku gadaaman arimo farabadan oo laxidhiidha laftiisa haday tahay dhanka soo yaalka taariikheed ee wabiga niil ama dhanka istiraatijiiga ah taas marar badan dhalisa muran siyaasadeed gaar ahaan xilayadan danbe sida qeexitaanka cida xaq uleh inay kafaaidaysato biyaha niilka iyo xadka kafaaidaysiga qaabkii loogu salayn lahaa heerka baahida dalalka uu maro  .

Wabigan waa mid udub dheexaad u ah nolosha umadaha uu dhaxmaro qaar ka mid ah waana isha kaliya ee ay ka helaan biyo la cabo iyo ku waraabka loo isticmaalaba , halka qaarkale uuna wax ahamiyad saasa ah u lahayn kabadan marin inay u yihiin, qaar kamida ahna ay u isticmaalan waxyaabo kabaxsan baahida nolosha aasaasiga ah.


Juquraafi ahaan halka uu halka u dhaco wabigu


 Juquraafi ahaan Webiga niil wuxuu maraa marin go'an  dhanka woqooyi waxaa ku dara dooxooyin bacrin ah oo ku yaal Waqooyi-bari Afrika malaayiin sano, sidaas darteedna wuxuu sameeyey mid ka mid ah ilbaxnimada aadanaha ugu muhiimsan uguna da'da weyn، Ilbaxnimadii Masaarida ee hore. In kasta oo dabeecadda dhaqameed ee wabiyada qadiimka ahi ay tahay in ay beddelaan wareega waqti ka dib, dariiqa joogtada ah ee Nile wuxuu sanado badan ahaa hal xidhaale juqraafi ah. 




Taariikhda wabiga  si guud mar ah



Waxaa  jira daraasado hore ku waas oo sheegaya in wabiga Nile uu yahay mid dhashay xilligii Meussen,  taaso macneheedu yahay in lagajoogo xiligii uu dilaacay hadda kaliya kahor 6 ilaa 10 milyan sano, Tan waxaa tilmaamay labada caalima ee kala ah xeeldheeraha cilmiga dhulka ee Rushdie Saeed iyo ruugcadaaga ku dheeraaday cilmiga juqraafiga Muxamed Awad waxayna ku xusantahay buugaagtooda ku saabsan soo bixitaanka wabiga Nile, 

Waxaa kaloo jirta daraasad cusub tan danbe ayaa waxay muujineysaa in wabiga ugu dheer adduunka uu dhererkiisu yahay 6,650 km  Daraasadda hadda jirta waxaa lagu qiyaasaa 6800 km ) Waxaa lagu saleeyay marinkiisa go'an ee  ilaa hadda aan wax leexad ah lahayn kaasoo jira qiyaastii 30 milyan oo sano, taas oo ah waqti aad uga dheer sidii aan horay kusoo xusnay.



Wadamada uu maro iyo ahamiyada uu u leeyahay mid walba


Webiga Niil wuxuu maraa sagaal dal oo Afrikaana kuwaas oo kala ah: 
Jamhuuriya 🇪🇬Masar, 
wadanka 🇦🇪Suudaan,
wadanka 🇺🇬Ugaandha,
wadanka 🇪🇹Itoobiya, 
wadanka 🇭🇰Kongo,
 wadanka 🇹🇿Tansaaniya
wadanka 🇷🇼Rwanda
iyo wadanka 🇰🇪Kenya.


wabigan oo ah ka ugu dheer dunida ayaa looga faaidaystaa siyaabo kala duwan iyadoo lagu salaynayo baahiyaha kala duwan ee lagu dabooli karo kuwaas oo ay ka mid yihiin farsamooyinka casriga ah kuwaas oo ah waa cusub oo u baryay wadamidii aan horay oga faaidaysan jirin biyaha niilka . Baahidan ay soo kordhisay dunidan casriga ahi waxay daah furtay waji cusub isticmaalka iyo ka faaidaysiga wabiga.

Waxaanse rabaa inaan kuxuso oo kaliya wadamada uu ahamiyada dheeraadka ah uleeyahay wabigu hal iyo laba kamida.
Tusaale ahaan :wadanka masar ayaa ku jira kaalinta koobaad kafaidaysiga wabiga.
Waxaad iswaydiinaysaa maxaa kadhigay wadanka masar kaalinta koobaad?

Run ahaantii waa suaal macquul ah waxayna sababtu tah



Webiga Niil wuxuu muhiimad weyn u leeyahay nolosha Masaarida maanta nool; Waa isha udub dhexaadka u ah  biyaha Masar qiyaas ahaan  97% biyaheeda waxay ku tiirsantahay wabiga niil.  Masaaridii qadiimiga ahayd waxay sidoo kale tixgelinjireen wabiga Niil iyaga oo u arkayay isha inuu yahay nolosha. 


Biya xidheenka abay ey ethiopia samaynayso iyo siday u arkaan wadamada biya shubka ladhaho


2011-kii ayay itoobiya dhagax dhigtay biyaxideenka abay ee a kasamaysay niilka buluuga loo yaqaan kaasoo ulajeedkiisu ahaa in ay itoobiya kadhaliso korontoda taaso looga faaidaysanayo gudaha islamarkaana loo dhoofinayo wadamada dariska ah
Biya xideenkan ayaa kuyaal gobolka binshaanguul gumuz islamarkaana xuduudka itoobiya iyo soodaan ujira masaafo aan kabadnayn 15km











Khilaafaad uudhaliyay iyo marxaladaha uu soomaray 



Wabigan ayaa soo maray xasarado kuwaas oo kadhashay is afgaranwaa dhanka biyaha ah oo dhaxmaray wadamada ku taxan wabiga . Hada khilaafkii ugu danbeeyay walina socda ayaa ah mid ka dhashay dhismaha ay itoobiya ku samaynayso biyexidheenka abaay kaaso ka cadhaysiiyay wadamada uu ku faafo wabigu sida masar oyo suudaan waxaana kulamo badan oo wado hadal ah sameeyay sadexda wadan kuwaaso intooda badan kusoo dhamaaday natiijo laaan iyadoo labada dhinacba isu miisayaan eedaymo xad dhaaf . Iyadoo labada geesood midiba ta kale saarayso eeda ah inayna daacad ka ahyn wada hadalada.