Hadalo da,awayn oo
murti ah.
Waxaad fahmi kartaa
hadaad indheer garad tahay.
Tijaabi maskaxdaada
Hadalka sidiisaba
siday diintuba inoo sheegtay waxaa ugu wanaagsan kiisa yar waxna kutusa.
Waxaa jira kalmado
dhaxal gal ah oo aan ku koobnayn waqti gaara iyo cid gooni ah , afgaaraa,
umad gaara, kuwaasoo
isaga talaaba qaaradaha oo dhan, isga gudba qarniyada jiilba jiil usii
warayo iyaduu
laisusii marinayo lainanka qoraalada.
Waa xikmado laga tilmaan
qaato micnaha ay xanbaarsayihiin ., macadantan aan duugoobaynin
ayaa ah midhaha
waayaha laga goosto iyo cashirada laga bartay nolosha , .
Waa mid Iftiina u ah
mugdiga nolosha dadkuna kaga gudbaan , aduunyadan dhaxdinta ahna
kaga marti galaan.
Ila daawo
odhaahyadan oo maskaxdaadu inay fahanto murtida ay xanbaarsanyihiin isku day
waxaan hubaa hadaad
waxgarad tahay aragti dheer inaad midho kalabixi doonto. Hadii kale na
waxaa d ogaata inanu
ciqligaagu qaangaadh ahay iskana daaro heesaha raabka ah. Oo ciiyaalka
geemka iskala
ciyaar.
ü Musqul nin galay muraad buu leeyahay.
ü
Muruqa laba suulle ninba si ku ah.
ü
Muraadka magaalo kaa gala muraayad baa kaa xigta.
ü
Mukulaal minankeedii joogtaa miciya aar bay leedahay.
ü
Mugdi, arlaada geed ii goduh.
ü
Mudduci markhaati leh ayaan maankay ka waayey.
ü
Misbax minankaga u mugdi ah, minan dadow ma loogu nureyo?
ü
Midho gunti ku jira midho geed saaran looma daadsho.
ü
Midho daray duuduubkaa lagu liqaa.
ü
Mididii qooqdaa dib bay u qaddaa.
ü
Min haddaad gasho meelo daydaye lama noqdo.
ü
Milil hoostii lama dhayo, haddii la dhayana qudhun baa looga
dhacaa.
ü
Miidaamo dhega maleh hadduu malag dhawaaqaayo.
ü
Madiidaan la’aan waa la midgoobaa.
ü
Midho geed saaran, kuwo guntiga ku jira looma qubo.
ü
Meeshaad ku qoydid baa laysku qallajiyaa.
ü
Meelaad madaxeeda tahay, mijo lagama noqdo.
ü
Meel hoo u baahan hadal wax kama taro.
ü
Meel hal lagu qalay mana hadal yara mana hilib yara.
ü
Maaweelo ma bogsiiso meel ku bugta .
ü
Meeshay caruurtiyo dumarku kugu bartaan waa laga guuraa.
ü
Meel Aar ka kacay buu Atoor fadh-fadhiistaa.
ü
Meel aanad seexan doonin laguma luloodo.
ü
Maxay ka nuugtaa ama ku nuugtaa, dibno iyo naaso midna maleh.
ü
Matag meel kuguma simo
ü
Maska madaxaa laga dilaa.
ü
Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah.
ü
Mas iyo digaag daris ma noqon karaan.
ü
Mas abur buu dhalaa, aburkuna mas buu dhalaa.
ü
Martidu marka hore reerkaa ka naxa marka dambana iyadaa kala
naxda.
ü
Martidu iyadaa kala naxda.
ü
Marti nin ka yar iyo muddo maalin ka yar midna lama arag.
ü
Marti loo qalay in lala qabay mooddaa.
ü
Marti iyo maydba waa la muquunsh
ü
Gaal dil gartiisana sii
ü
. Gaashaan qaad ma anbado.
ü
. Gabadh nin dhali karaa dhiqi kara
ü
. Gabadha dheg-dameer in leeg baa ku dansanta wiilkana in til
leeg baa ku darsanta
ü
. Gabadhi waa meel xun joog.
ü
. Gacani waa miskiin.
ü
. Gacantaadu hadday dhudhub gasho, lagama dhuftee waa laga
dhirindhiriyaa.
ü
. Gacantii oodan goyn karin, waa la shumiyaa?
ü
. Gacmo wada jirbay wax ku goyn karaan.
ü
. Gadal gadaal geed looma koro
ü
. Gadhba gadhbaa la tusaa.
ü
. Gar dabadeed, guu-guu (gunuunuc) baan nacay
ü
. Gar waa loo wada islaam
ü
. Gardarraa ma guulaysto
ü
. Gardarro looma garbo yeelo.
ü
. Gari ilaahay bay taqaan
ü
. Gari laba nin kama wada qosliso.
ü
. Gaws iyo gustoona layskuma ag dhaqdhaqaajiyo.
ü
. Geed joog gartii waa yaqaan, laga dhimayna dhaxalkii waa
yaqaan.
ü
. Geed walba in gubtaa, waa hoos taal.
ü
. Geel carruuri qaaday ma foga.
ü
. Geel caruuri qaaday ma foga.
ü
. Geel darreeray nin ka dayrshay ma awliya Allaa
ü
. Geel indho kuul muxuu ka kasaa?
ü
. Geel laba jir soo wada mar.
ü
. Geel soddon qaday, saddex kuma dari waayo
ü
. Geeli waa geel, wixii gooyaana waa geel.
ü
. Geel-jire isagooy ushu u goantahay ayuu xaggeen ka goostaa ku
yidhaa.
ü
. Geeljire, geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa
ü
. Geelow geed walba daaqdaye, markaad Ciin daaqdaa laguu yaabaa.
ü
. Geeri nimaan aqoon iyo geel jiray ku wanaagsantahay.
ü
. Geeriyu nin aadan aqoonin iyo geeljiray ku roomntahay.
ü
. Gees loaad kulayl kaa lagu jaraa.
ü
. Gees lo’aad kulaylkaa lagu gooyaa.
ü
. Geesi allaahay ma xilo.
ü
. Geesi, Alle ma xidho.
ü
Gaal dil gartiisana sii
ü
. Gaashaan qaad ma
anbado.
ü
. Gabadh nin dhali karaa
dhiqi kara
ü
. Gabadha dheg-dameer in
leeg baa ku dansanta wiilkana in til leeg baa ku darsanta
ü
. Gabadhi waa meel xun
joog.
ü
. Gacani waa miskiin.
ü
. Gacantaadu hadday
dhudhub gasho, lagama dhuftee waa laga dhirindhiriyaa.
ü
. Gacantii oodan goyn
karin, waa la shumiyaa?
ü
. Gacmo wada jirbay wax
ku goyn karaan.
ü
. Gadal gadaal geed looma
koro
ü
. Gadhba gadhbaa la
tusaa.
ü
. Gar dabadeed, guu-guu
(gunuunuc) baan nacay
ü
. Gar waa loo wada islaam
ü
. Gardarraa ma guulaysto
ü
. Gardarro looma garbo
yeelo.
ü
. Gari ilaahay bay taqaan
ü
. Gari laba nin kama wada
qosliso.
ü
. Gaws iyo gustoona
layskuma ag dhaqdhaqaajiyo.
ü
. Geed joog gartii waa
yaqaan, laga dhimayna dhaxalkii waa yaqaan.
ü
. Geed walba in gubtaa,
waa hoos taal.
ü
. Geel carruuri qaaday ma
foga.
ü
. Geel caruuri qaaday ma
foga.
ü
. Geel darreeray nin ka
dayrshay ma awliya Allaa
ü
. Geel indho kuul muxuu
ka kasaa?
ü
. Geel laba jir soo wada
mar.
ü
. Geel soddon qaday,
saddex kuma dari waayo
ü
. Geeli waa geel, wixii
gooyaana waa geel.
ü
. Geel-jire isagooy ushu
u goantahay ayuu xaggeen ka goostaa ku yidhaa.
ü
. Geeljire, geela waa
wada jirtaa, waana kala jirtaa
ü
. Geelow geed walba
daaqdaye, markaad Ciin daaqdaa laguu yaabaa.
ü
. Geeri nimaan aqoon iyo
geel jiray ku wanaagsantahay.
ü
. Geeriyu nin aadan
aqoonin iyo geeljiray ku roomntahay.
ü
. Gees loaad kulayl kaa
lagu jaraa.
ü
. Gees lo’aad kulaylkaa
lagu gooyaa.
ü
. Geesi allaahay ma xilo.
ü
. Geesi, Alle ma xidho.