Barashada internetka lacag sida looga sameeyo

 Lacag kasamee internet ka siyaabo dhawr ah oo lacag looga sameeyo 

Barashada internetka lacag sida looga
Barashada internetka lacag sida looga 



Internet ku  waa  Caalam guda balaadhan oo ay ku kulmaan malaayiin dad ah , waa bar loo adeegsado xidhiidhka dunida maanta, waana mid kufaaftay dhamaan qaybaha kala duwan ee nolosha aadamaha , hadaba qomada sida ciwaankaba kaaga muuqata maha ilajeedkagu inaad faahfaahin ka bixiyo shabakada internet ka ama aan cashir kaasiiyo qaabka ay u hawlgasho, laakiin waxaan ugu talagalay inaan kaa hadlo mawduuc kooban oo kusaabsan habkaad isticmaalka internet ka in badan oo dhalin ta maanta u ah balwad ay caadaysteen kuna danseegeen in bafan oo ka mid ahi ugu badali lahayn mid inoogu fadhiya faaido dalhli kuu abuurta isla markaana ay inbafan oo dhalin ah oo guryahooda iska fadhiya camal aan oga faaidaysan lahaayeen.



Waxaan shaki ku jirin inay barta internet ku u tahay malaayin dada il dhaqaale oo muhim ah islamarkaana ay noloshooda ku dabaraan,  sidaa darteen waxaan ubahanahay inaan inana isku dayno inaan kasaymayn ka waan karaaye sidooda oo kale il dakhli oo aan nolosheena wax ku tarno.


Halkan waxaan akhriste kuugu hayaa siyaabo dhawr ah oo si dhab ah aad ogasamayn karto dakhli lacageed oo dabooli kara nolol maalmeedkaaga islamarkaan ku aas aasi kartid nolol wacan.


Samayn photograph ka
Hadaad tahay shaqsi xirfad uleh samayn ta sawirada farasxanka waxaad tahay shaqsi nasiib badan waxaana hubaal ah inaad internetka ka heli boos banaan ood ka abuuri doonto.
Waxaad haysatas fursad aad kaga baxdo cdhiidhiga dhaqaale ee hadeeyay noloshaada.

Sidee looga sameeya graphics ka lacag?

Sawirada graphics ka ayaa ah mid muhiim ah oo ay ubaahanyihiin kumanaan , kuwaasoo isugu jira ashkhaas , shirkadado, dugsiyo, xafiisyo , warshado, kanacsi, hospitalo, gaadiid, xaflado, iyo wixii lamida , hadaba si ay ola xidhiidhaan qaybahaasi xirfadlayaasha ay ubaahanyihii ayaa waxaa jira wabsaydhyo waawayn oo udhexeeya islamarkaana ufududeeya macaamisha inay helaan xirfadlaha kuhaboo , iyaguna kaqaata khidmo yar oo kooban.

Marka hadaad isku fiicantihiin xirfadaan waxaan kusoo bandhigayaa hal iyo laba websaydh ee ugu muhiimsan uguna caalamisan oo aad kadhalaalin karto lacag , waxaad ka furanaysaa 
Boga dhaxdiisa account kuuvgaar ah ama hadii si kalee loodhigo dukaan kaasoo aad ku gadi karto , farashaxankaaga iyo sawiradaada , waxaana idiin dhaxaynaya adiga iyo macmiilka websaydhka islamarkaana idiin kala gudbinaya.
Wabseydhka koobaad uguna fiican waxaa ladhahaa fiver

Fiver waa manaso ay ku xidhanyihiin malaayiin xerfadlayaal ah oo kukalabaahsan dunida dacaladeeda kuwaasoo kusoo bandhiga shaqadooda macaamisha ay beegsanayaa.
Hadaba siaad oga mid noqoto bulshada webshkan kafuro account,  
sida loofurto waxaan ku sharxnay halkan guji


Websaydhka labaad waa stock 
Stock waa websaydhka ugu balaadhan ee kugu haboon hadaad tahay dadka xirfada uleh baraamijyada photograph ama sawir qaadista waa websaydh aad u wayn oo lagu iibiyo dhamaan qaybaha kala duwan ee sawirada , hdii aad tahay dadka taqsuska uleh sawirqaadista amaba aad xirfad uleedahay barnaamijyada lagu habeeyo sawirada sida photoshop ka, illustrator ka iyo wixii lamida waxaa hubaal ah in websaydh kani yahay kaagii, waxaad galinkartaa sawirada aad qaaday eed kaqqaday meelaha dabiiciga ah , sida markaad ubaxdo meel qurxoon eed kasoo qaado sawiro qurxoon waxaad ku iibin kartaa sawir walba oo ad kaqaday waxwalba haday tahay muqaalada dabiiciga ah sida dhirta  beeraha buuraha roobka, balayada, qowraarimaha, xayaawanada kala gadisan,
Iyo haday tahay sawiradaada qaas ka ah ba waameeel aad oga heli karto suuq .
Websaydhkan ayaa waxa uuku fiicanyaha inaanuu marka uu macmiil dalbado uun aadan usamaynay sawirka uu rabo laakiin leh search engine baadhaya sawirada ruuxwalba oo sawirkaa aad galisay ka helaana si fudu oga iibsayo , adoon wax hawl ah haba yaraatee kulahayn .

Qoraalka Muqaalada

Matahay qooraa xariif ku ah maqaalada ?
Haday jawaabtaadu tahay haa waxaad haysataa fursad aanay haysanin dad badan maqaalado waa waxyaabaha ugu dakhliga badan marka loo eego qaababka kale gaar ahaan kuwa ajnabiga ah waxaa jira maqaalo halka qoraal gaadhayo ugu yaraan 100$ dhollar, si aad oga faaidaysato waxaan kuu soo bandhigaynaa qaar kamida websaydhyada gadanaya waliba kowooda ugu muhiimsan.
Websaydhkan ayaa kaa iibsanaya maqaal walba 
Websaydhkawaa mid soo dhawaynaya maqaaladaada siiba hadii aad kuqorto laquda ingiriisiga oo uu kuqaato maqaalada , hadaba hadaad luqada inglishka xirfad uleedahay qoraalka warbixinada wariye ku tahay u dma la,aan bartan ee sidagdaga ola xidhoidh waa hubaal inaad ka heli doontee.

Blogger ka 

Blogger waa manaso free ah oo aad kasamayn karto lacag waxay jaanis kuu siinaysaa inaad samaysato bog kuu gaar ah oo aad ku qorto waxa aad jeceshahay inaad bulshada u gudbiso ,
Adoo kahelaya dakhli kugu filaan kara haduu bogaagu yeesho soo booqdayaal tirobadan kaasoo aad kahelayso xayaysiisyada ama iclaaanaadka ay soo dhigayso Google adsense, 
Habka blogger loo sameeya halkan kaga bogo guji.

Samaynta fiidiyowyda YouTube ka.

Waa mid iska macruuf ah YouTube ku waxaanad moodaa waqtiyadan danbe inay kusoo bateen dodka isticmaalaa gaar ahaan dadka kasameeya dakhli kooban , waana meel waayadan danbe tartan adag kataaganyahay, hadaba hadaad tahay mid ahaya muqaalo xiiso badan soona jiidan kara dadwanee farabadan waxaa ku baqaysa YouTube,  .

YouTube waxay leedahay shuruudo adag si ad dakhli oga dhaliso shuruudahan adag ayaa barigiigii hore ahaan jiray 4000 (afar kun) o saacadood oo dawaasho ah (views) 2000(labo kun) oo subscribe ah.
Lakiin way sii adkaysay shuruudihii waayadan danbe.
Baradhada sida loo sameeyo YouTube ka halka guji
https://www.cashironline.com/2021/11/sameynta-fiidiyowga-youtube-ka.html
 Surveys ka ama rayi bixinta
Wxaa jiraa bogag ka shaqeeya rayi ururinta kuwaaso ay muhimadooda ugu wayni tahay inay ogaadaan raiyigaaga ku aadan hadba suaalaha ay kuwaydiinayaan.
Waxayna kaa waraysanayaan rayigaaga kuaadan product yada shirkadaha qalabada, conooyinka iyaga oo ka iibinaya daraasaadkaas shirkadaha una gudbinaya hadba falcelinta ay bulshadu ka bixiso waxsoo saarkooda, taa badalkeeda ay codbixiyaha siinayaan lacag bisiiba gaadhaysa ilaa 100$ dhoolarka maraykanka ah waxayna ugu soo xawilayaan barta uu joogo iyaga oo xawilaadaas usoo marinaya xawaalad western union. 

 Waxaa kamida bogagan you gov

you gov waa bog xog ururin ku sameeya arimaha bulshada islamarkaana taa badalkeeda bixiya lacag taasoo uu uqaybiyo dadka rayigooda kasoodhiibta you gov lacagtaas ayaa gaadha wadamada qaar ilaa 250$ oo dollar  bishiiba halka ay  wadama qaar gaadho uun 50$ dhoolar oo kaliya.
Sida loogu biiro halkan ka aqriso

Gonta iyo gunaanadka qormadan ayaan soo gaadhnay,.
Hadii aad kafaaiday waxuun qoraalkan comment ga noogu soo qor oo hanagala bakhayli kuna soo biir bulshada cashir online oo kuula diyaar ah marwalba inay kuu soo bandhigto macluud muhiim ah oo la xidhiidha technology ga.